Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ka soo degay Garoonka Adis Ababa iyadoo aysan goobta ku sugneen wax mas’uuliiyin ah oo ka socday Dowlada Ithopia, marka laga reebo Safiirka Cusub ee Dowlada Federaalka u fadhiya Adis Ababa Axmed Abdi Salaan Xaaji Aadan iyo qaar ka tirsan howl wadeenada Safaarada.
Arintaan ayaa lagu micneeyo bahdilaad lagu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya, oo hadii la sharfayo ay waajib tahay in Garoonka uu ku soo dhoweeyo Raisul Wasaaraha Ithopia ama ugu yaraan Madaxweynaha Dalkaasi.
Wejiga Madaxweynaha somaliya ayaa laga aqrisan karay sida uu ugu xumaa qaabka hoose ee bahdilaada ah oo ay Dowlada Ithopia ula dhaqantay.
Arinta ugu yaabka badan ayaa waxa ay ahayd in Mudane Xasan uu ka soo degay qeybta Shacabka caadiga ah ay ka soo degaan oo aysan jirin wax Ixtiraam ah oo lo muujiyay .
Ithopia si aad ah ayay u taqaanaa sida loo bahdilooo sumcadooda hoos loogu dhigo Madaxda dawlada faderalka Soomaalida waxeyna sidaan oo kale ay horey ugu sameesay Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Dhowaan ayay eheed markii sidaan oo kale Dowlada Kenya ay Madaxeynaha Soomaaliya Xasan ku bahdishay Garoonka Joma Kenyata ee Magaalada Nairobi, markii uu waayay cid Garoonka ugu hor timaado oo ku soo dhoweysa.
Wajaalenews Desk
Contact Us :Wajalenews@gmail.com