WAJAALE NEWS

“ma gilgilo duqeytida ninkii aw ka soo go’ay’ Faysal cumar madar (Faysal Qumuj)

Hor iyo horafaysal qumujanba, aan bulshadda ku salaamo salaanta islaamka oo aan ku ladhay Ramadaan Kariim,  Ilaahayna sidda khayrka ah hayna waa fajiyo.

Waxaan aad uga xumaaday oo wax la yaab ah igu noqotay Wasiirka madaxtooyadda waa ninka Xirsi la yidhaahdo’e, oo hajabaad iyo ceebayn isugu daray mujaahidiinta iyo odayaasha, Tariikhdii Somaliland-na  caayaya ee leh dalka inay dumiyaan ayay rabaan.

Anigoo taas la yaaban ayaan waxa kale oo aan ka fajacay reer Gabilaygii uu ka soo dhex caayay taalooyinka Somaliland ee ay ku jiraan Ibraahim Dhago-weyne Ee Maxamed Xaashi leh ee Xasan Ciise leh ee Xasan Guure Jaamac leh, waxaan ka filayay Gabilay inay xaal ka soo bixiyaan, tiina may dhicin waa amakaag kale iyana, maadaama aanay weli dhicin.

Sidaas darteed, waxaan leeyahay anigoo afkii Gabilay ku hadlaya marka hore xaal ka qaata halka uu waxaasi kaga soo hadlay, waxa kale oo aan idiin sheegayaa mujaahidiinta haddaad tihiin in reer Gabiley ay idin ag-joogaan iyo inay taageerayaan wax kasta oo dalka ama qarankan lagu samato saarayo.  waxaanay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ku taagarsanyihiin sida ay wax u wadaan 100% , reer Gabilay mahaa kuwo gaya in dhexdoodda wax lagaga sheego Labeenta umadda oo kula socda cidda qadafkaasi ka soo baxay.

Hadaan intaas ka gudbo, waxaan u sheegayaa Wiilkan oo aan leeyahay yarkow, waxaad tidhi Dhago-weyne Ina Cigaal buu ka horyimi, Dhago-weyne waa nin xor ah oo ka madaxbanaan in uu qabyaalad ku raaco cid oo taasaa kuugu filan cadayn aad adigu is leedahay ku cay, waa talabaade Ina Xaashi waa ka keenay inay maanta soo gaadho xukumada aad caqliga u tahay ee keenay in aad kalsoonida shacabka sii haysataan, waa kii keenay inta aad ku faantaan ee ardaydiibaanu lacagta ka daynay iyo mushaharbaanu kordhinay,  waa ta labaade markaad leedahay markuu wasiirka ahaa muu sheego malaha waad is diidsiinaysaaye waa kii hadhcad yidhi waan is casilayaa hadii xoolaha qaranka qasnada lagu ridi waayo markii kan macdanatu iska yidhi sidii hagbada intan anaagaa iska leh ee aad markii cid idiin raacda ergadiisa aad weydeen aad Hooyooyinka u dirteen.

Ku raagi mayo, laakiin waxaan kuu sheegayaa markaad jawaabahan oo kale bixinayso ogow inaad caayayso madax weynihii ay umadani dooratay oo aad caqligiisa caayayso oo aad ka dhigtay in aanu isagu jawaabi karayn ama ay wax ka jiraan eedihii uu golahu u soo jeediyay. Waxaan kusoo afmeerayaa tix ka mida maansiadii XAAJI DALAAYAD
nin hadduu gaboobo oo wax badan dunida guud joogo

 

 

Faysal cumar madar

Qumuj81@hotmail.com

Exit mobile version