WAJAALE NEWS

Yusuf Garaad oo Talooyin u Jeediyay Raiisul wasaaraha Soomaaliya

Nairobi (wajalenews)Yuusuf Garaad waxa uu yiri: Ra’iisal Wasaare, Saacid Shirdoon, waan ku salaamay. Sidii xilka laguugu magacaabay aad ayaad u mashquushay, weyna suurta geli weyday in aan ku arko marka laga reebo in gegida dayaaradaha Muqdisho, aan taagni isku salaannay adiga oo markaa dayaarad ka soo degey oo lagu daba yaacayo.yusuf garad

Waxaan bowsi ama xan ku maqlay in laga yaabo in aad isku shaandheyn ku sameyso Golaha Wasiirrada. In ay taasi dhab tahay ma hubo. Haddaysan dhab ahayn akhriska qormadaan halkan isaga jooji raallina iga ahow wakhtiga aan kaa qaaday.

Haddiise aad isbeddel damacsan tahay, fadlan isha mari sadarrada dhiman. Waxaa laga yaabaa in aad talo ka hesho, ama ra’yi aad hore u qabtay aan kuu sii xoojiyo. Waxaan is iri wadajir looma dardaaran la’aado. Ra’iisal Wasaare waxaan goostay in aan anigu soo qaddimo wixii aan talo ku siin lahaa, haddaad i weydiin lahayd.

Taladani ma ahan, magacyada dadka aad u magacaabayso xilalka. Mana aha kuwa aad ka saarayo inta hadda joogta, haddiiba aad qaarkood ka saareyso, ayuu Yuusuf ku yiri Qoraalkiisa.

Sidoo kale taladeydu lug kuma laha tirade Wasaaradaha aad magacaabayso iyo kuwa ay noqonayaan.

Waxaan ka hadlayaa ayuu yiri dhowr arrimood oo madaxeyga ka guuxaya.

Waxaan qiranahay in siyaasadda Dibadda ay Dowladdu culeyska saartay, iyada oo ay horseed ka yihiin Madaxweynaha, Wasiirkiisa Madaxtooyada iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo ku Xigeennadeedu. Runtiina Guulo ayaad ka soo hoyseen la taaban karo. Waad ku ammaanan tihiin, Allah ha noo sii siyaadiyo.

Ra’iisal Wasaare waxaad mooddaa in siyaasadda dibadda indhaha ay Dowladdu ku fiirineyso ay yihiin kuwo uu aad u fiican yahay arggooda fog oo keliya.

Madaxii bbc qeybteeda soomaaliya isaga oo qormadiisa sii wata waxa uu leeyahay: Indhahaaga waxaad ku kabtay muraayadaha aragga si aad meel dhow iyo meel fog labadaba aad wax uga aragto. Dowladduna kuwaas oo kale ayay u baahan tahay. Siyaasadda dibadda dowladdu waxay culeyska saartay wixii badaha looga tallaabo, oo uu ugu sokeeyo Sucuudigu ayna ka mid yihiin Qadar, Kuwait, Turkiga, UK, EU, USA iyo Japan. Waxaad mooddaa in meelaha dhow dhow iyo dalalka nala deriska ah aan aad loogu jeedin.

Rag aan aqoon siyaasadda Dibadda ee badaha looga tallaabo ayaad mooddaa in ay Dowladda uga dheereeyeen siyaasadda dalalka deriska. Kenya ayaa tusaale wanaagsan ah. Waxaa ay Dowladdu codsatay in ciidankeeda laga saaro Kismaayo ayada oo sababtu ay tahay in lagu eedeynayo in ay Axmed Maxamed Islaan ay u hiillineyso.

In kasta oo siyaasadda dalalka deriska nala ahi ay mar kasta muhiim noo tahay, 2013 kumaba sii jiro. Waayo ammaanka dalka qeyb weyn oo ka mid ah iyaga ayaa gacanta ku haya.

Tan kale, mudane Ra’iisal Wasaare, adigaa iga yaqaan Kenya. Soomaalidu waxay ku haysataa ganacsi aad u baaxad weyn iyo hanti ma guurto ah. Waxay Kenya Isbitaal u tahay dad badan oo Soomaaliya ku xanuunsada ama ku dhaawacma. Qaxootiga nus malyuun dhaafay ee 20 sano ku sugnaa. Waa marka tusale yaal kooban aan soo qaado.

Ra’iisal Wasaare, waxaan kugula talinayaa in aad Magacowdo Wasiirka Iskaashiga Gobolka. Wasiirkan shaqadiisu waxay noqoneysaa xiriirka siyaasadda, diblomaasiyadda iyo kan ammaanka ee nagalada dhexeeya dalalka ay ciidankoodu ku sugan yihiin Soomaaliya. Wuxuu ahaanayaa mid xaqiijiya in aan is faham la’aani dhicin, oo wax walba la isla ogaado. Haddii waxyaabaha qaarkood la isku fahmi waayana, markiiba fool-ka-fool looga wada hadlo oo aan idaacadaha la iska cambaareyn. Ayuu yiri siyaasiga

Xusuusnow markii ciidammada Kenya uu Madaxweynuhu eedeeyay iyo markii aad adigu eedeysayba waxaa idiin jawaabay Saraakiil Militeri ah. Arrinkaa waa in aan wax ka barannaa.

Sidoo kale waxaan kugula talinayaa Wasiirka Qaxootiga iyo Barakacayaasha in aad magacowdo. Taasi waxay sahleysaa in ay si xawli leh u billaabato in malaayiinta Soomaaliyeed ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha ah laga hawlgalo dib-u-dejintooda.

Muranka dhex yaal Dowladda iyo Puntland qeyb weyn oo ka mid ah waa dastuurka in wax laga beddelay. Eedeyntaasi waa mid aan la sahashan karin. Muranka Jubbaland waxaa uu ku saleysan yahay Maamul Goboleedyada iyo sida ay ku sameysmayaan. Baydhabo ayaa iyaduna dhowreysa sida muranka Kismaayo lagu dhammeeyo si ay ugu go’aan qaadato.

Waxaan kugula talin lahaa in aad abuurto Wasaarad kaa xigsata waxaas oo dhan. Waxaad abuurtaa Wasaaradda Dastuurka iyo Dhaqangelinta Federaalka.

Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadku aad ayay muhiim u tahay. Wasiir Ammin Dhimman (Part-time Minister) ma anfacayo.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashadu waxay u baahan tahay Wasiir wakhtigiisa oo dhan geliya Waxbarashada Ubadkeenna.

Wasaaradda Shaqadu waxay shaqo u abuuri lahayd dhallinyarada. Waxay dejin lahayd xeerarka shaqada iyo shaqaalaha oo suga xuquuqda shaqaalaha dowladda iyo kuwa sharikadaha gaarka loo leeyahay. Waxay diiwaan gelin lahayd shaqaalaha oo dhan si canshuur looga qaado. Waxay habayn lahayd shaqaalaha ajnebiga ah ee dalka ka shaqeysta oo ay ugu mushaar badan yihiin kuwa ku jira xeyndaabka Gegida Dayaaradaha. Waxaa laga qaadi lahaa canshuur.

Maaddaama caalamku u soo jeedo dib u dhiska Soomaaliya, Wasaaradda Qorsheyntu waxay noqon doontaa Wasaarad aad muhiim ugu ah dib u dhiska dalka. Waxaan kugula talinayaa in aad Wasaaraddaas u dhiibto Wasiirrada hadda jooga kan ugu khibradda iyo hawlkarnimada wanaagsan. Ama haddii kale raadi mas’uul aqoon Dhaqaale, Horumarin ama Iskaashiga Caalamiga ah aad ugu dheereeya oo khibrad dheer u leh hawshaas. Soomaalida hawlahaas ka soo qabtay dalal kale ama hadda ka haya, malaheyga waxaad ka heli kartaa Hey’adaha Qaramada Midoobay ama Bankiga Horumarinta Afrika.

Marka ugu dambeysa, Ra’iisal Wasaare, adigaa culeyska shaqo ee ku haysta iga og, laakiin waxaan is leeyahay waa laga yaabaa in uu ku anfici lahaa Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha in aad u magacaabato maamul yaqaan aad u khibrad badan, oo hawl kasta oo aad u dirsato markiiba sida ugu habboon u soo ebya.

Mar kale iga raalli ahow, wakhtiga aan kaa qaaday. Waxaan hubaa arrimaha aan ka hadlayo oo dhan in aad iiga xog ogaalsan tahay. Waxaan is iri yaan talo igu baaqan uun.

Guul ayaan kuu rajeynayaa.

Office Hargaisa

Repoter:Abdiqadir Abdiraxman Habane

 

 

www.wajalenews.com

Exit mobile version