WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Oo la filayo in uu soo Wado Isku Shaandhayn Labaad Oo Sahayan Doonta Xubno Door Ah Wasiiro, Ku Xigeeno, Agaasimayaal, Waaxda Garsoorka, Iyo Badhasaabyada Gobolada

Hargeysa (Wajaale News)- Dadwaynaha Ree Somaliland gaar ahaan inta u dhuun daloosha Siyaasada ayaa ayaa sheegaya in Dhawrka maalmood ee soo socda la filayo inuu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu  sameeyo isku shaandhayn labaad uu ku sameeyo wasaarado kala duwan.

Wallow aan si rasmi ah loo sheegin goobaha ay isku shaandhayntan taabanayso, ayaa haddana la filayaa in xubnaha la eryi doono ay ka mid yahiin xubno golaha wasiiradda ka mid ah, oo lagu bedelaayo xubno cusub oo durtaba ololahooda laga dareemayo gudaha magaalada Hargeysa, shabakadda Halbeegnews oo daraasadaynaysay saacadahii la soo dhaafay Wasaaradaha agaasimayaashooda la eryayo waxaa ka mid ah:

1. Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda

2. Agaasimaha guud ee waxbarashada iyo tacliinta sare

3. Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta

4. Agaasimaha guud ee wasaaradda cadaaladda

5. Agaasimaha madaxtooyada oo la filayo in loo wareejiyo agaasimaha waxbarashada

6. Agaasimaha wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta.

Dibu Dhis Lagu Samaynaayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Sida xogtu iftiiminayso waxaa la filayaa in wasaaradda arrimaha dibadda lagu soo uruuriyo, khubaro u dhashay Somaliland oo qaarkood fekerkooda siyaasiga ahi aad uga soo horjeeday qaabkii siyaasadda arrimaha dibaddu u shaqaynaysay dhawrkii sanno ee ugu danbeeyey, xubnahaasi oo iskugu jira safiiro hore usoo shaqeeyey oo uu ka mid yahay Ambassador Cabdiraxmaan Qaraami, waxaa la filaya in ay suurtagal tahay in la gaadho xubno ay ka mid yahiin Maxamed Biix Haaruun, xubnahaasi oo la filayo inay dhisaan istaaratijiyadda cusub ee siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.

Dhammaanba Wakiiladda Dibadda Oo La Bedeli Doono

Wakiiladda dalalka dibadda ayaa la filayaa in la keeno dad aqoon leh oo ka tayo fiican kuwa hadda jooga, waxaa wararku tibaaxayaan in goobaha wakiilo cusub loo samayn doono ay ka mid yahiin dalalka maraykanka, ingiriiska, Koonfur Afrika, Midawga Yurub, iyo France, kuwaasi oo ka keeni doono dad khubaro ah oo aqoon u leh hawlaha diblomaasiyadda.

Badhasaabyada La Eryayo

Xogta ayaa iftiiminaysa in la filayo in isku shaandhayntani taaban doonto badhasaabyada gobolada dalka halka qaarkoodna la kala wareejin doono.

1. Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex oo la eryayo

2. Badhasaabka gobolka Togdheer oo la eryayo

3. Badhasaabka gobolka Saaxil oo la eryayo

4. Badhasaabka gobolka Gabiley oo la eryayo.

Waaxda Garsoorka

Waxaa la tibaaxaya in isku shaandhayntani ay taaban doonto waaxda garsoorka gaar ahaana guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiyayaasha maxkamadaha gobolada dalka oo dhan, waxaana la filayaa in isku shaandhayn lagu sameeyo guddida sare ee garsoorka qarranka.

Taliyayaasha Ciidamadda

Warar soo baxaya ayaa tibaaxaya in isku shaandhayntu gaadhi doonto taliyayaasha ciidamadda booliiska, militeryga iyo asluubta oo dhammaantoodba xilalka laga wareejinayo, waxaa la filaya in taliyaha ciidanka militeryga uu dib ugu soo laabto Janaraal Taani, halka taliyaha ciidanka Booliiskana la filayo in loo magacaabo xubin ka soo jeeda Saaxil ama Awdal.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

Exit mobile version