WAJAALE NEWS

INTA WASIIR XIRSI GABAYGIISII LAGA JAWAABAYO MAXAA LOOGA GABYI WAAY AY TAHRIIBKA IYO DHIBAATOOYINKA WAAWEYN EE KA JIRA DALKA

 xirsiWAJAALENEWS.NET (WJN)  Waxaad in badan aad ku arkaysaa warbaahinta kala duwan dad badan oo u jawaabayo gabaygii xirsi markaasna waad la yaabaysaa dadkaas iyo macno daradooda iyo siday u ilaabeen inay dadkooda/dalkoodii  guud u gabyaan laakin u gabyay qof gaara oo aan hore u gabyin ama aan gabyaa u ahayn …………………………………….

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan  siday cidkasta oo somaliland ah  u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .

 

Maxaa yeelay marka aad gabay ka jawaabaysid is waydii muxuu faaido leeyahay  ma cid gaara  ayuu ku socdaa mise cidkale  ma la soo dhawayn doonaa ,mise waa laga soo hor jeedsan doonaa.

Gabaygaagu ma yahay mid dhaxal gala mise waa mid aad dan gaara aad  ka leedahay .hadaba waxaan la yaabay dad waaweyn oo og xaalada dalka ka taagan iyo dhibaatooyinka tahriibka, shaqo la,aanta oo intay iska indho tiraan dhamaan dhibaatooyinkaas oo u baahab In laga gabyo  u gabyaya wasiir xirsi  una jawaabayo  xirsi oo isagu ah nin khabiir ku noqday sida dadka loo mashquuliyo iyo sida dadka  looga shaqaysiiyo.

Intaa ka dib waxaan u sheegayaa bulshada kala duwan  ee reer somaliland inaanay ku mashquulin waxaanay dani ugu jirin laakin lagu mashquulo wax dan u ah dad iyo dalba loona gabyo dhamaan dhibaatooyinka waaweyn ee dalka ka  socda taasina waxay  kor u qaadaysaa sharaftaada iyo ito dalkaba .laakin ogow sharaf kuma yeelanaysid inaad wasiir xirsi xirsi u gabaydid .

Bal is waydiiya dhamaan intii u jawaabtay xirsi wax darajaa ma hesheen  oo ma isagaad ka hesheen mise dadka kale  keebaa idiin qaalisan xirsi iyo dadka .

waxaad markasta aad ku lumisaaa wakhtigaaga  qaaligaa wax dan guuda oo aanay cidna kugu nacayn waligaan.

Intaasi ha iga noqoto canaan ee iga raali ahaada cidkasta oo dhibsata.

Waligaaa ka qayb qaada gabayada wacyi galinta ah ee dadkaaga anfacaya.

Waligaana cidkaagara ha iska dhaadhicin ee cid guud iska dhaadhici.

Xirsi iyo gabaygiisana waxa ka wanaagsan  inaad ka gabaydid gabay wacyi galina oo ku saaabsan tahriibka iyo shaqo la,aanta sida loogu dulqaadan  karo.

 

Farhan Mohamed Hassan (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 063–4400319

WAJAALENEWS.NET

Exit mobile version