WAJAALE NEWS

Dhaqan Gal La’aanta Xeerka Kala Xadaynta Ganacsiga Oo Saamayn Toos Ah Ku Yeelatay Nolosha Bulshada Faallo: Wariye Khadar Cabdi Muuse

khadar cabdi muuse

Hargeysa (Wajaale News)- Muddada ku siman rubuc qarniga ee ay Somaliland jirtay goleyaashii sharci dejinta ee kala danbeeyay ee dalka soo maray, waxay ansixiyeen oo dhaqan gal noqday xeerar iyo shuruuc kala duwan oo faa’iido u leh dadka iyo dawlada bal se waxa jira xeerar muhiimad gaar ah u lahaa jiritaanka dawladnimo iyo qaranimo isla markaana dhaqan gal la’aantoodu ay si toos ah saamayn ugu leedahay nolosha bulshada.

Xeerka kala xadaynta ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ayaana ka mid ah xeerarka sida wayn baahidooda looga dareemayo nolosha dadka, kaasi oo in la dhaqan geliyaa ay wax badan ka bedeli lahayd siyaasada ganacsiga ee dalka,waxaanay dhaqan gal la’aanta xeerkaasi dhibaatadeedu si toos ah u taabatay guud ahaan babulshada Somaliland gaar ahaana ganacsada isla markaana waxa ay dhibaato aan xal loo hayn ku haysaa dadka ganacsiga ka shaqeeya kuwa wax soo deja, kuwa wax dhoofiya iyo kuwa dalka gudihiisa alaabooyinka tafaariiqda ah ku iibiyaba.

Inkasta oo xeerka kala xadaynta ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland ay goleyaasha sharci dejintu meel mariyeen sanadkii 2005-tii wakhtigaasi oo uu soo diyaariyay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa wasiirkii ganacsiga, ayaanu saxeexin madaxwaynihii xiligaasi Daahir Rayaale Kaahin si uu xeerkaasi u dhaqan galo. Mana jirto sabab cad oo uu madaxwaynihii xiligaasi ku sheegay waxa uu ugala masuugay in uu xeerkaasi dhaqan geliyo.

Sidoo kale dhaqan gal la’aanta xeerka kala xadaynta ganacsigu waxa uu caqabad ku yahay hanaanka shaqo ee ganacsatada yar-yar iyo kuwa waa wayn ee wadaniga ah, kuwaasi oo marka ay isku dayaan inay wax soo saarka dalka dibada u dhoofiyaan ama ay damcaan in ay shirkado ganacsi oo caalami ah xidhiidh ganacsi la samaystaan shuruuda ugu horaysa ee lagu xidhaa ay tahay xeerka ganacsiga ee Somaliland in uu jiro iyo sida uu u ogolaanay is-dhaafsiga ganacsiga.

Waxa kale oo ka mid ah meelaha sida wayn looga dareemayo dhaqan gal la’aanta xeerka kala xadaynta ganacsiga Somaliland in aanu jirin wax sharci ah oo kala xadaynaya qaabka ay u ganacsanayaan shirkadaha, ganacsatada waa wayn iyo kuwa yar-yar, waxaana dalka ka jirta in shirkadaha waa wayn ee alaabooyinka kala duwan soo dejiya inta ay qaab jumlad ah uga iibiyaan ganacsatada yar-yar ay hadana iyagu tafaariiq kusii iibiyaan suuqyadii ay ganacsatada yar-yari wax ku iibinayeen isla amrkaana ay qiime isku mid ah siinayaan, taasi oo meesha ka saaraysa wixii ay ganacsatada yar-ayri ka macaashi lahaayeen,dhibaatada ay dhaqan gal la’aanta xeerka kala xadaynta ganacsigu ku hayso ganacsatada waxa ka mid ah in marka ay alaabooyinka soo dejiyaan gaadiidka ka keena dekada ilaa magaalo iyo tuulo ay yihiin kuwo ay leeyihiin ganacasatada waa weyni, taasi oo iyadna dhabar jab ku noqotay dadka muwaadiniinta ah ee gaadiidka waaweyn ku shaqaysta.

Xeerka kala xadaynta ganacsiga oo si wayn dalka looga tebayo baahidiisuna ay meelo badan ka muuqato ayay dhaqan gal la’aantiisu waxa khatar badani ay kala soo gud-boonaataa nolosha bulshada iyada oo labada arrimood ee ugu muhiimsan nolosha bini’aadamka oo kala ah cuntada iyo daawada si bilaa shuruud ah ay cid waliba dalka u keento isla markaana ay dhacdo in dalka la keeno raashin iyo daawo dhacday, meelaha kale ee ay dhaqan gal la’aanta xeerka kala xadaynta ganacsiga sida aadka ah uga muuqato waxa ka mid ah sixir bararka maciishada oo dhibaato joogto ah ku haya bulshada isla markaana maalin walba uu qiimihiisu is bedelo. Iyo sidoo kale noocyada kala duwan ee shiidaalka loo siticmaalo gaadiidka kaasi oo muddooyinkan danbe ay isna cabashadiisu ka soo noq-noqotay gaadiidka dadwaynaha.

Sidoo kale dhaqan gal la’aanta xeerka kala xadaynta ganacsiga Somaliland waxa uu dabar iyo caqabad ku yahay shirkadaha ganacsiga caalamiga iyo maal geliyeyaasha caalamka, kuwaasi oo marka ay dalka u yimaadaan in ay ka hirgeliyaan barnaamijiyo ganacsi iyo maalgelineed ay sababto in waxyaabahaasi ay ugu suurto geli waayaan ay tahay xeerka ganacsiga iyo maalgashiga ee aan dalka ka jirin, taasina waxay sababtaa in ay lumaan furso badan oo maalgashi kuwaasi oo haddii ay dalka ka hirgeli lahaayeen ay dad badani shaqooyin ka heli lahaayeen.

Xeerka kala xadaynta ganacsiga oo aan weli Somaliland ka dhaqan gelin ayaa la odhan karaa waxay xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka soo maray ku guul daraysteen in ay dhaqan geliyaan xeerkaasi oo ah mid muhiimad aad u wayn u leh hanaanka ganacsiga guddaha iyo ka dibadaba, taasina waa mid ceeb iyo nasiib daro ku ah dawlada Somaliladn gaar ahaana xukuumada hada talada haysa oo looga fadhiyo in ay xeerkaasi dhaqan geliso. Waxaanay arrintaasi muujinaysaa in ay Somaliland ku guul daraysatay in ay yeelato siyaasad ganacsi oo lagu hago qorsheyaasha dhinaca horumarinta ee ganacsiga guddaha iyo ka diabadaba.

Ma jirto ilaa hada sabab cad oo loo hayo waxa keenay in mudada dhawr iyo labaatanka sano ah ay u suurta geli wayday in dalka laga dhaqan geliyo xeerka kala xadaynta ganacsiga, kaasi oo ah mid muhiimad gaar ah u leh guud ahaanba hanaanka lagu maamulo ganacsiga guddaha iyo ka dibada ka imanayaba.

Faallo: Wariye Khadar Cabdi Muuse

 

Exit mobile version