WAJAALE NEWS

Dib Umilicso;Dhaliilaha Maamul Ee Dul Hoganaya Badhasaabka Gobolka Gabiley.

Gabiley(Wajaalenews) Mudadii madaxwayne siilaanyo xilka hayay ayaa wuxuu gobolka gabiley u magacaabay badhasaabadii ugu badnaa ee loo magacaabo gobolka kamida somaliland wuxuuna

badhasaabkii lixaad madaxwayne Siilaanyo usoo magacaabay gabiley mudo shan sano gudahooda  Mustafe Cabdi Ciise (shiine) iyadoo  si qoto dheer diirada aynu u saari doono dhaliilaha muga leh ee  ka muuqda xilkii uu igmaday madaxwaynaha somaliland Axmed Siilaanyo balse  si aad ugu aragtaan dhaliilaha dulhoganaya badhsaabka gobolka gabiley aan hoos ugu dhaadhacno

1; Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise inkasta oo uu yahay nin dhalinyaro ah dhawaana ku biiray bahda Qurba jooga waxaa lagu tilmaama nin bulsha waynta gobolka gabiley ka oodan kana xidhxidhan  xidhiidh toosana la lahayn marka laga reebo dhalinyaro ay saxiib yihiin oo magacyo u bixiyo

2;Gudomiyha Gobolka Gabiley waxaa lagu tilmaamaa mid socod barada oo ay hogaamintiisu curin lahayn oo aan waxna soo kordhin sidoo kale  waxaa lagu tilmamaa masuul aan dareen wadaniyadeed lahayn kana dhiidhiyin si deg degana uga jawaabin  qaladaadka hortiisa ka dhaca

3; Inkasta oo ay miisaniyada Golaha Deegaanka Gabiley ugu dareen kharash gaadhaya 15milyan bilkasta  waxaa marag madoona in aanay badalkeedii bulsha waynta gabiley ka helin gaar ahaan uu ka gaabiyay daba galka iyo kormeerka xafiisyada wasaaradaha iyo hayadaha  dawlada oo intooda badan xafiisyadooda aan la furin,

4;Sidoo kale magaalo ganacsiga Wajaale waxuu ka helaa kharash gaadhaya 5milyan bill kasta oo itaalkeeda ku culus  waxayna  bulsha waynta Tog Wajaale  iswaydiinayaan waxqabadka Badhsaabka Gobolka Gabiley

5;Badhasaabka Gobolka Gabiley waxaa si gaara loogu dhaliilaa laguna tilmaamaa masuul karti yar oo ka gaabiyay in uu xidhiidh maamul iyo wada shaqayn la yeesho  maamulada xuduudaha ee gobolka u xuduuda wadaagaan ee dhanka Itoobiya

6;Badhasaabka gobolka gabiley waxay dad badani ka aaminsan yihiin masuul indhaha ka qarsaday kana gaabiyay caawinta  beeralayda iyo xoola dhaqatada colaadaha sokeeye uga soo cararay deeganada Waqooyiga Gabiley sida Seemaal,Ceelbardaale iyo Buqdhada

7; Badhasaabka Gabiley waa masuulka kaliya ee deegaanka uu xukumo ku tilmaamay meel laga ducaysto markii loo soo magacaabayna aad looga dardaar wariyay balse akhristayaasha ayaase sheegi doona bulshada Gabiley iyo Badhasaabka Mustafe SHiine midka duco mudan.

 

Shalay ayay ahayd markii gudomiye mustafe shiine ku faanay in uu gabiley kawada dhigay muxaafid xusbiyada mucaaridka ah daba kawada dhigay gobolka, hadalkaasi wuxuu naruuro u ahaa dhagaha marwada koowaad ee qaranka marwo Aamina Waris ,

Arintan ayaa ah mid muujisay in mustafe shiine kala garan waayo gabiley iyo tuuladii uu ku dhashay oo kutaala agagaarka ceerigaabo

xili guud ahaan maamulka gobolka gabiley tahli wayaan in ay gutaan shaqadii loo igmaday dhamaan dhaliilaha aan kor ku xusnayna ay dulhoganayaa mr shiine

waxaase lasugidoonaa dareenka reer gabiley iyo darjiidhka shiine midka xaqiiq noqda.

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

Exit mobile version