WAJAALE NEWS

Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Sweden Oo Siwayn Ugu Dabaaldegay 34Sano Guurada Jsl Ee Xuska 18May Iyo Nuxurka Dardaarankii Amb Sakariye Xasan Wacays.

SWEDEN(W,N)-Jaaliyada Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Sweden ayaa siwayn ugu dabaal degay 34sano guurada dib ulasoo noqoshada qarannimada Jamhuuriyada Somaliland ee xuska 18may, taasi oo lagu kala qabtay caasimada dalka Sweden Ee Stockholm magaalada Vestaros, iyo magaalada Uppsala kuwaasi oo ay kazoo qaybgaleen jaaliyada reer Somaliland iyo saaxiibada Somaliland.

Waxaana munaasibadahan door wayn ka qaatay safiirka Somaliland ufadhiya dalka Sweden Amb Sakariye Xasan Wacays iyo xubno kale oo kamid ah jaaliyada oo uu weheliyo gudoomiyaha dalada guud ee jaaliyadaha Somaliland ee dalka Sweden Mustafe Cabdi Ismaaciil.

Dhanka kale safiirka Somaliland oo dhamaan ka qaybgalay munaasibadahan xuska 34sano guurada jamhuuriyada Somaliland ee 18may ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ujeediyay jaaliyadaha reer Somaliland  isagoo kula dardaarmay in ay isku duubnaadaan islamarkaana ay ka wada shaqeeyaan midnimada somailand iyo sidii looga qayb qaadan lahaa horumarka dalka.

Sidoo kale Amb Sakariye oo ka hadlayay xuska 18may ee magaalada Vestaros ayaa  fariin udiray guud shacabka reer Somaliland ee ku kala nool gudaha dalka iyo wadamada dibadaba.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version