WAJAALE NEWS

Ujeedada Kulan Uu Madaxwaynaha Jsl La Yeeshay Ganacsatada Somaliland Iyo Arimaha Lagaga Wada Hadlay!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan Hadhimo-Sharafeed ah Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland.

Munaasibadda Qado-Sharafta Ganacsatada waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Somaliland, Agaasimeyaal Guud, haldoor iyo mudan kale.

Munaasibadda ayaa waxa laga jeediyey hadallo mug leh oo salka ku haya kaalinta weyn iyo doorka Shariifka ah ee ganacsatada reer Somaliland ay kaga jiraan hourmarka dalka, amniga, xasiloonida iyo guud ahaanba nolosha bulshada.

Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Ganacsiga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab iyo Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Guddoomiyaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Mudane Maxamed Siciid Ducaale iyo Guddoomiyaha rugta ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood  soo dhaweeyey sida kal-furnaanta leh ee uu Madaxweynaha JSL isaga xilsaaray inuu kulan gaar ah la yeesho Ganacsatada dalka, waxana ay si cad u sheegeen in ay si dhaw ula shaqaynayaan tallaabooyinka horumarinta ah ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad dalka ka waddo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo kulanka Hadhimo-Sharafeedka ka jeediyey hadallo kooban ayaa Ganacsatada uga mahad celiyey doorka lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin nabadda, xasilloonida, horumarka bulshada iyo kobcinta Dakhliga iyo dhaqaalaha Qaranka.

Sida oo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ganacsatada uga mahad naqay sida ay u soo ajiibeen kulankan, waxana uu xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay in ay si dhaw Ganacsatada ugala shaqeeyaan wax kasta oo ganacsiga, maalgashiga, Dalxiiska iyo Warshadaha

dalka kor u qaadaya.

 

Exit mobile version