WAJAALE NEWS

Maxkamada France Oo Bilawday Dhegaysiga Dacwad Loo Haysto General Lagu Haysto Xasuuqii Rowanda Ee Halka Milyanka Ku Dhinteen (Video).

Paris (Wajaale News):- Maxkamad ku taala dalka Faransiiska ayaa si rasmi ah u bilowday, dhegaysiga dacwad la xidhiidha xasuuqii sanadkii 1994-kii ka dhacay dalka Rwanda, kaas oo sababay dhimashada 800,000 qof oo reer Rwanda ah.

Gen. Pascal Simbikangwa, oo 54-jir ah, isla markaana bishii October 2008-dii laga soo qabtay, jasiirada Mayotte ee badwaynta Hindiya Faransiisku ku leeyahay, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee maxkamadu dhegaysato eedaymaha loo soo jeedinayo ee inuu ka qayb galay xasuuqaas.

Qaar ka mid ah dadkii eheladooda la xasuuqay ayaa soo dhaweeyay kuna tilmamay talaabo wax ka taraysa murugadii ka soo gaadhay eheladoodi xasuuqaas ku dhintay iyo rayul caamka dunida.
Ninkan ayaa hore madax uga ahaa sirdoonka dalka Rwanda, waxaanu qareenkiisu ku doodayaa

in aanu wax danbi ah galin, laakiin waxa uu bilow u noqonayaa dawcad ku qaadista dad badan oo ka tirsanaa taliskii Rwanda ka talinayay markii xasuuqaasi dhacay.


Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version