CEERIGAABO(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey oo maalintii 14 aad safar shaqo ku jooga Gobolka Sanaag ayaa maanta ka qayb- galay, munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynaayey qaybtii sadexaad ee Ciidanka Madaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka, kuwaas oo si rasmi ah uga mid noqday Ciidanka Qaranka JSL .
Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ciidanka la qarameeyey, waxaanu sheegay in wali ay Ceerigaabo taalo gogoshii nabadeed ee ayย hore ugu baaqay Xukuumadda WADDAJIR IYO WAX- QABAD.