Alle ha,unaxariistee waxaa maanta la dilay taliyihii saldhiga maxamed mooge ee magaalda hargaysa marxuum cabdi Cali Nuur kaasi oo uu tooray ku dilay askari katirsan saldhigu
Sidoo kale taliska ciidanka booliska ayaa sheegay in gacanka lagu hayo gacan ku dhiiglihii islamarkaana haayadaha sharciga deg deg loo hor gayn doono.
Qoraal Kasoo baxay taliska ciidamada booliska jsl ayaa udhignaa Sidan;
Alle naxarisitii janno haka waraabiyo marxuum Gaashaanle Cabdi Cali Nuur, oo ahaa Taliyihii Saldhiga Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, kaas oo maanta shaqadiisa ku guda jiray si argagax leh loo dilay , waxaana dilka gaystay Askari ka tirsan isla Saldhiga Maxamed Mooge , Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka, waxaana si degdeg ah loogu horgayn doonaa Maxkamadda Ciidamada.
Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Taliye Kuxigeennada , Hogaamada iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska JSL waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Ciidamada Booliska JSL, Qoyskii iyo qaraabada marxuumka. Waxaana Alle ka baryeyaan inuu samir iyo iimaan saadiqa inaga wada siiyo, islamarkaana uu janadii Firdowsa ka waraabiyo.