๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo ku jooga Magaalada Ceerigaabo, xarunta Gobolka Sanaag, ayaa maanta kullan ballaadhan la yeeshay Madax -dhaqmeedka Gobolka Sanaag. Kulankaa isaga ah waxa la iskaga xog wareystay xaalada Gobalka Sanaag iyo sidii looga wada shaqayn lahaa guud ahaanba nabadaynta Gobolka, gaar ahaana xaalada Magaalada Ceerigaabo.
Ugu horeyn waxaaย madasha ka hadlay masuuliyiinta waftiga Madaxweyne ku-xigeenka JSL, kuwaas ooย si qoto dheer uga xog warramay ujeedada safarkoodu iyo doorka looga baahan yahay madax dhaqmeedkaย Gobolka Sanaag in ay ka qaataan hawlaha nabadaynta Gobolka Sanaag, gaar ahaa Magaalada Ceerigaabo.
Dhanka kalena xubno ka mid ah madax dhaqmeedka Gobolka Sanaag oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday mihiimmada ay nabadu u leedahay aadamaha, waxana ay hoosta ka xarriiqeen in ay diyaar u yihiin sidii ay weftiga Madaxweyne ku-xigeenku JSL uu hoggaaminayo ugala shaqayn lahaayeen hawlaha ay u socdaan ee nabadaynta Gobolka Sanaag gaar ahaana Magaalada Ceerigaabo.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuradda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ugu dambeyntii ka hadlay ayaa bulshada reer Sanaag uga mahadnaqay soo dhawayntiiย ballaadhanayd ee ay ku maamuuseen, waxana uu shaaciyey in Xukuumadda Cusubย ay ka goโan tahay in Gobolka Sanaag laga fulliyo mashaariic horumarineed oo aad u ballaadhan.
Ugu dameyntii kulankan uu Madaxweyne ku-xigeenka JSLย Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi uu la yeeshay Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag, ayaa ku soo dhammaaday is- af-garad iyo in si buuxda loogu midoobo sidii looga wadda shaqayn lahaa arrimaha nabada Goobolka Sanaag iyo xasilinta Magaalada Ceerigaabo.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐