WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada Hadhimo Sharafeed Ugu Sameeyay Madaxdhaqameedka Somaliland.

Hargeysa – 05-02-2025-( )-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Awcabdi  ayaa maanta qasriga madaxtooyada qado sharaf ugu sameeyey dhamaan madax dhaqameedka Somaliland  .

Madax dhaqameedka  ayaa ah haybada iyo sharafta qaranka Somaliland waana kuwa ka qeyb  qaata  ilaalinta  nabada, xasiloonida  iyo wada noolanshaha bulshada  Somaliland.

Sidoo kale Madax dhaqameedku waxay fure u yahiin, xalinta khilaafaadka , ka hor taaga colaadaha ,  waxaana ay aasaas  u yahiin dhisamaha Qaranka.

Exit mobile version