WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Waddani Iyo Nuxurka Khudbadda Uu ka Jeediyay Munaasibadii Xil Wareejinta Taliyaha Ciidanka Booliska jsl

Gudoomiyaha xisbiga waddani xirsi cali xaaji xasan ayaa ka qaybgalay munaasibadii ay xilka kulak ala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka booliska iyo taliyihii halkaasi oo uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanay islamarkaana la dardaartay hogaanka ciidanka booliska

Waxa aan maanta ka qayb galay munaasabadda ay xilka kula kala wareegayeen taliyihii hore iyo taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska JSL.

Ciidanka Boolisku kaalin muhiim ah ayaa uu ugu jiraa QARANKA, horumarintiisuna waa horumarka Qaranka, taliyaha hore na ka dafiri maynno oo waa uu leeyahay wixii wanaagsan ee uu qabtay, taliyaha cusubna waxa aan Ilaahay u weydiinayaa in uu masuuliyaddaa culus u fududeeyo oo uu xilkaas sida ugu habboon uga soo baxo.

Exit mobile version