WAJAALE NEWS

Xukuumada Oo Si Qafaalasho ah Xabsiga Ugu Taxaabtay Guddoomiyihii Xisbiga UCID Ee Gobolka Saaxil.

Hargaysa(Wajaalenews ) Xukuumadda Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabtay Guddoomiyihii  Xisbiga UCID ee gobolka Saaxil Marwa Rooda Axmed Yaasin.

Xadhiga Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saxil Rooda Axmed Yaasin ayaa loo qabtay hab ka baxsan sharciga iyadoo jidka loo galay xili  ay  ka soo socota Magaalada Berbera kuna soo jeeda Magaalada Hargaysa, waxaana wehelinaayay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Ciidamadda ammaanka iyo Xukuumadda ayaan midna faah faahin ka bixin xadhiga Rooda Axmed Yaasin.

Exit mobile version