27/11/2024-Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa Arbacada maanta ansixisay natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Madaxweynaha taasi oo muddadii uu sharcigu u ogolaanayay in laga keeno cabasho uu wakhtigeedu dhacay, geesta kale Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sheegtay in ansixinta natiijada rasmiga ah ee doorashada Ururrada iyo Axsaabta Qaranka muddadii sharcigu u ogolaa ku egtahay maalinta sabtida ee bishu tahay 30.
Maxkamadda Dastuuriga ah oo ka kooban Guddida Garsoorka ee kala ah
- Aadam Xaaji Cali Axmed …………………Guddoomiye
- Maxamed Cumar Geelle……………………Xubin
- Cabdiqaadir Axmed Maxamuud………Xubin
- Axmed Diiriye Qaalib……………………….Xubin
- Maxamed Faarax Siciid……………………..Xubin
- Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan……….Xubin
- Cali-shucayb Sh. Ibraahin Nuur………Xubin
8.Yaxye Cali Idiris …………………………………..Xubin
- Cabdilaahi Cabdi Aadam………………….Xubin
- Cabdiraxmaan Xasan Nuur…………….Xubin
Oo ay kaalinayso Sahra Ismaaciil Cabdilaahi.
Waxay ansixisay in doorashada Madaxweynaha uu ku guulaystay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal, halka Ku-xigeenka Madaxweyne uu ku guulaystay Mudane Maxamed Cali Cabdi Maxamuud oo labaduba ka sharaxnaa Xisbiga Waddani.
Wa bilaahi tawfiiq.