WAJAALE NEWS

Musharax Cirro Oo Booqasho Ku Tagay Taliska Ciidanka Qaranka Jsl Ee Oog Iyo Deeq Xoolo Ah Oo Uu Ciidamada Ku Wareejiyay!

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo gudoomiyaha xisbiga  Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa booqasho ku tagay taliska ciidanka Qaranka Somaliland ee magaalada OOG .

Taliyaha Aaga Bari ee Ciidanka Qaranka Jeneraal Cali Barre ayaa  Musharaxa ku soo dhaweeyey taliska .

Musharax Cirro iyo Saraakiisha  ciidanka Qaranka  ayaa xarunta taliska ku yeeshay shir albaabadu u xidhan yahiin , waxaana taliyayaashu musharaxa siiyeen warbixin kooban oo ku saabsan shaqadooda .

Musharax Cirro ayaa Taliyaha ciidanka qaranka ee Aaga bari ku wareejiyey deeq sooryo ah oo uu ugu talo galay ciidanka Jiida hore ku sugan deeqdan oo aheyd 100 neef oo adhi ah iyo 32 neef oo geel ah .

Booqashadan Musharaxa waxaa kale oo ku wehelinaayey gudoomiye ku xigeenada xisbiga WADDANI iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland .

Exit mobile version