Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta xaruntiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen oo ay weheliyaan , Madaxa xafiiska Denmark ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Mathias Kjaer iyo sarkaal ka tirsan Safaara Mr Cabdiqani.
Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen halka ay marayaan hawlaha doorashooyinka isku-sidkan ee 13ka Novermber, Safiirka ayaa KDQ ku amaanay sida ay ugu diyaargaroobeen Doorashadsa .
Markii shirku soo dhammaaday, KDQ iyo Safiirka ayaa soo kormeeray bakhaarka lagu diyaarinayo agabka codbixinta doorashada 13ka November 2024.