WAJAALE NEWS

Maxay Hindidu ku furaan dumarka??

Dalka Hindiya, ayaa wali ah dalka caalamku ugu furid yar, hase ahaatee, furitaanka ayaa hadda dalkaasi caadi ka noqonaya. Khabiiradda, ayaa sheegaya in dacwooyinka furitaanka inta badan lagu sheego gaboodfal ama waxa uu qaanuunku ku sifeeyo ‘xaasidnimo’.

Haddaba, gaboodfalka macnihiisa, ayaa in muddo ahba waxaa ka taagnaa dood kulul, gaar ahaan sida lagu qiyaasayo dhaawaca xagga maskaxda, oo uu guurku ku keenay qofka dalbanaya furitaanka.

Maxkamadda Sare ee Hindiya, ayaa sheegtay in aysan jiri karin qeexid xadideysa gaboodfalka iyo xaasidnimada marka ay timaado guurka. Marka la fiiriyo qaanuunka, oo arrinta u qeexay si ballaaran, ayaa waxay dhalisay in maxkamaduhu ay xukumaan kiisas badan oo yaab iyo amakaag lahaa.

“Xafladaha ayay jaceshay”

Todobaadkii la soo dhaafay, Makamadda Sare ee Mombay, ayaa diiday xukun ay riday makamad hoose sanadkii 2011, oo ay furiin ugu ogolaatay nin badmaax a,h oo xaaskiisa ku dacweeyay arrimo badan oo ay ku jirto in ay xaaskiissu aad u tago xaflado.

“Baahideeda ma dabooli karo”

Dacwad furitaan ah, ayaa lagu xusay in ninka dacwoonayay, oo ku andacoodaan in uusan qancin karin baahida xaaskiisa ee sariirta. Sanadkii la soo dhaafay, ayaa maxkamad ay xukuntay ninkaas dacwadiisa kadib markii xaaskiisu ay ka baaqatay maxkamadda.

“Dhar xirashada”

Ninbaa aad uga carooday in xaaskiisa ay go’aansatay in aysan xiran dharka dhaqanka Hidiya. Nin kalena, waxaa uu xaaskiisa ku furayaa in uusan jecleen dharka ay xirato.

“Wajigeeda ayaa finan leh”

Nin, ayaa ku dacwooday in uusan xaaskiisa la seexan karin sababo uu ku sheegay finan wajigeeda ku yaalla.

Guurka la aagsimo, ayaa ku badan dalka Hindiya. Hase ahaatee, sababta uu ninkan ku sheegay in uu u doonayo in uu xaaskiisa ku furo ayaa ah in ay dhibaato weyn ku heyso finanka wajigeeda ka soo baxa.

“Soo dhaweynteeda oo xun”

Nin, ayaa xaaskiisa ku furay markii ay diiday in ay shaah u kariso saaxiibadii.

Dacwadan, ayaa la keenay maxkamadda sare ee Allahabad sanadkii 1985tii, iyadoo racfaan laga qaatay xukun ay riday makamad hoose oo ah in qof dumar ah ay diiday in ay shaah u kariso ninkeeda saaxiibadii.

Wuxuu makamad u sheegay in ay sharaftiisa meel weyn uga dhacday, oo ay si weyn u ceebeysay iyo waxyaabo badan oo ay ku jirto in ay ilmo iska soo riday iyadoo aan isaga la socodsiin, arrimahaasna ay ninka dhaawac xagga maskaxda ah gaarsiisay, oo ay tahay in loo ogolaaday in uu xaaska iska furo.

Exit mobile version