Musharaxa madaxwayne ee xisbiga cabdiraxmaan cirro ayaa maanta jeelka madheera ku booqday xildhibaan maxamed abiib oo ku xidhan mudo bil ku dhow kaasi oo ilaa hada la horgaynin maxkamada.
Sidoo kale Musharax Cirro ayaa ka waramay xaalada uu kusoo arkay xildhibaan maxamed abiib isagoo ka hadlaya wuxu yidhi;
“Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib .
Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay.
Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo.