WAJAALE NEWS

Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Kasocday Baanka Aduunka Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!

Duqa Caasimadda Hargeisa Mudane  Cabdikariin Axmed Mooge,  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaadhan oo ka socday  Baanka Adduunka.

Kulankan ayaa waxa uu gogolxaadh u ahaa Shaqooyin horumarineed oo aanu baandhka aduunka u soo badhignay in uu nagala shaqeeyo. Shaqooyinkan  horumarineed ayaa lagu talo jiraa inay si gaar ah u taageeraan kor u qaadista adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda Hargaysa.

Agaasimayaasha Hawlaha Guud, qorshaynta iyo Maamulka iyo maaliyadda ayaa kulankan ku wehelinayay Duqa Caasimadda Hargaysa waxaana ay waftiga u soo bandhigeen shaqooyinka muhiimka ah ee ay dawladda Hoose u baahantahay in laga taageero si kor loogu qaado kaabayaasha asaasiga ah ee ay dadku u baahanyihiin.

Exit mobile version