|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Kasocday Baanka Aduunka Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
September 23, 2024 - Written by Editor:Duqa Caasimadda Hargeisa Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaadhan oo ka socday Baanka Adduunka. Kulankan ayaa waxa uu gogolxaadh u ahaa Shaqooyin horumarineed oo aanu baandhka aduunka u soo badhignay in uu nagala shaqeeyo. Shaqooyinkan horumarineed ayaa lagu talo jiraa inay si gaar ah u taageeraan kor u qaadista adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda Hargaysa.
Agaasimayaasha Hawlaha Guud, qorshaynta iyo Maamulka iyo maaliyadda ayaa kulankan ku wehelinayay Duqa Caasimadda Hargaysa waxaana ay waftiga u soo bandhigeen shaqooyinka muhiimka ah ee ay dawladda Hoose u baahantahay in laga taageero si kor loogu qaado kaabayaasha asaasiga ah ee ay dadku u baahanyihiin.
Related posts:Suldaan Wabar Oo Markale Ka Hadlay Sobobta Ku Ka Liftay In Uu Qori Qaato Iyo Eedaha Uu Ujeediyay Mad... Shirkada Dp World Oo Faah Faahin Ka Bixisay Muhiimada Uu Somaliland Uleeyahay Aaga Cashuuraha Ka Caa... Mary Harper Oo Warbixin Ka Diyaarisay Awooda Sirdoonka Al Shabaab Iyo Dhacdooyinka Ay Kala Kulantay! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|