WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Axmed Xasan Muuse.

Hargeysa-11-06-2024-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Alle Ha,unaxariistee  Marxuum Axmed Xasan Muuse oo ka mid ahaa saraakiishi  sarsare ee xilal kala duwan ka soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya ee burburtay oo ku geeriyooday Dalka Maraykanka maantana la keenay Caasimada Hargeysa iyadoo lagu aasay Xabaalaha Haleeya.

Marxuum Axmed Xasan Muuse Ayaa kamid ahaa 25-kii Xubnood ee Golihii Kacaanka ee Jamhuuriyadii Burburtay ee Soomaaliya

Waxaana madaxweynaha qaranka kala qaybgalay aaska qaran Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Xubno ka mida Golaha Wasiirrada, gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Xildhibaano, taliyeyaasha Ciidamada, ganacsato, madaxda dhaqanka, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Exit mobile version