Inka Badan Hal Milyan Iyo Badh Muslimiin Ah Oo Maanta Taagan Buurta Carafa!
Carafa waa buurtii uu Nebi Maxamed NNKH uu ka jeediyey khubaddiisi ugu dambaysay iyo bartii ay ku soo degtay Aayaddii ugu dambaysay Quraanka Kariimka ah.
Khubadda maanta laga akhriyayo buurta Carafa waxa lagu tebinaya 20 luuqadood oo kala duwan.
Cimilada ayaa la soo werinayaa in ay aad u kulushahay maaddama oo xilligani uu yahay wakhti Xagaa ah oo uu aad u sarreeyo heer kulka dalalka Khaliijku.