WAJAALE NEWS

Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Qaabiley Suxufi Khaalid Foodhaadhi!

“Waxa aan maanta qaabilay suxufi Khaalid Foodhaadhi oo dhawaan ku guuleystay Abaal-marinta suxufigii ugu wanaagsanaa qaaradda Afrika (Media Personality of Africa) oo ay bixiso hay’adda AEA- USA ee dalka Maraykan-ka.

Kulankayaga, Suxufiga waxa aan kala sheekeystay doorka saxaafadda Madaxa bannaan ee horumarka dalka, iyo socdaalkiisa aqoon-korodhsiga iyo abaalmarinta ee uu Maraykanka ugu baxayo.

Ugu dambeyn, waxa aan ka Murashax ahaan iyo Xisbi ahaanba naga go’an kor u qaadista, tayeynta iyo taageeridda Saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland leedahay”Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro.

Exit mobile version