Waxa ceel biyood uu ku dhacay galabta laga soo saaray Alle ha u naxariistee Marxuum Fu’aad Xuseen oo ka mid ahaa dadka ka shaqeeya beeraha deegaanka Horu-haadley ee degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi Jeex.
Sidaasna waxa Wakaaladda wararka ee SOLNA u xaqiijiyay
Guddoomiyaha degmada Daarasalaam Ciise Muuse oo sheegay inay ku guulaysteen inay ka soo saaraan marxuumka ceelkaasi.
Waxaanu Guddoomiyuhu intaas ku daray in marxuumku uu ka mid ahaa dadka ka shaqeey beeraha, Isla markaana ciidanka boolisku ay baadhayaan sababta uu ceelka ugu dhacday.
Guddoomiyaha degmada Daarasalaam wuxuu Ilaahay uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
Xigasho: SOLNA