Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Markii Ugu Horaysay Hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha (Biometric Voter Registration Audit System).
KDQ isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo hay’adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD) waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan, khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee hantidhowrka ayey maanta KDQ u sameeyeen kulan sogootin ah.
Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ayaa waxa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka JSL, waxayna horseed u tahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran.