|
|||||
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Markii Ugu Horaysay Hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha
May 6, 2024 - Written by Editor:Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Markii Ugu Horaysay Hirgaliyey Hantidhowrka Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha (Biometric Voter Registration Audit System). KDQ isaga oo kaashanaya Midowga Yurub (EU) iyo hay’adda Natherland Institute for Multiparty Democracy (NIMD) waxa uu heshiis shaqo la galay khabiir madax-banaan oo takhasus u leh shaqadan, khabiirka oo shaqada ku jiray muddo laba todobaad ah, isla markaana soo gabagabeeyey wajigii koowaad ee hantidhowrka ayey maanta KDQ u sameeyeen kulan sogootin ah. Hantidhowrkan madaxa-banaan ee lagu samaynayo Nidaamka Diiwaangalinta Cod-bixiyayaasha ayaa waxa uu kor u qaadayaa kalsoonida daneeyeyaasha doorashooyinka JSL, waxayna horseed u tahay fullinta doorashooyinka xor iyo xalaal ah oo daahfuran. Related posts:Gudoomiye faysal Cali Waraabe Oo Maalinta Bari Dalka Dib Ugu Soo Noqonaya Iyo fariinta Xisbiga Ucid ... DAAWO MUUQAALKA ; Shil Gaadhi Oo ka Dhacay Xaafada Goljano Oo Sobobay Iskudhaca Gaadiid kale Iyo ... Puntland Oo War ka Soo Saartay Dagaalka Taleex Iyo Somaliland Oo Wali Ka Aamusantahay Dawlada Somali... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|