HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha Dr Sulayman Yusuf Cali koore oo uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Eng Cali Cumar Maxamed ( Eng Cali xoorxoor), Marwo faadumo siciid iyo Agaasimaha Waaxda biyaha Oogada Sare Eng Cabdiraxmaan Muruq-liqe ayaa kormeer iyo u kuurgal ku tagay goobta Dhaamka ay Wasaaradda Biyuhu ka bilaabayso magaalada Decar-budhuq ee degmada Laas-geel,
Weftiga ayaa halkaa kula kulmay dadka deegaanka iyaga oo ugu bushaareeyay in uu diyaar yahay dhaamka ay xukuumadu ugu talo gashay Magaalada Dacar-budhuq dhakhsana loo bilaabayo dhaamka.