WAJAALE NEWS

Hooyo 24 Sano ONLF Ahayd oo Markii U Horraysay Qoyskeeda La Midowday, Kana Warantay Dhibaatooyin Soo Maray Qoyskeeda

Jig Jiga (WJN)- Tan iyo markii baarlamaanka Itoobiya uu xayiraaddii ka qaaday ururrada mucaaradka ee dalkaasi oo ay ka mid ahayd jabhadda hubeysan ee ONLF, ayaa waxaa billowday in hogaamiyayaasha ururradaasi ay dib dalkooda ugu soo laabtaan ka dib tobannaan sano oo ay dibadda ku noolaayeen.

Dadka dib Itoobiya ugu soo laabtay waxaa ka mid ah Cambaro Aw Axmed, Madaxa Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee ONLF oo in kabadan 24 sano dibadda ku noolayd.

Maqnaanshaheeda iyo jabhadnimadeedu waxaa Jeel ku muteystay seygeedii iyo toddoba carruur ah oo ay dhashay.

“Ninkaygu habeenba nafis ma arkin, sidii loo rafaadinayay ee qawda loogu hayay ee loo xidhayay ayuu markii dambe rafaadkii ku dhintay” ayay tidhi Cambaro oo dib u milicsanaysa wixii soo maray qoyskeeda.

“Silic buu adduunka ku dhamaystay dalkana waa laga wada ogyahay” ayay intaas ku dartay.

Sidoo kale Cambaro ayaa sheegtay in xataa laba gabdhood oo yaryar oo ay dhashay saqdhexe gaadhi lagu qaaday oo xero milatari lagu xidhay, balse qof ayna magaciisa sheegin oo maamulka ka mid ah uu sii daayay.

“Abaalkiisa anoon gudin in aan dhinto ayaan ka yaabi sharaf iyo cisi Allaha siiyee” ayay tidhi.

Iyada oo waraysi gaar ah siinaysa BBC ayaa Cambaro la waydiiyay waxa ay soo kordhisay wakhtigaas dheer ee ay ku hawlanayd arrimaha jabhadda ONLF.

“Magac iyo aqoonsi aan waddan kani lahayn ayaan soo kordhinay” calanka ONLF-na shanta qaaradood ayuu ka babbanayaa.”

Halkan hoose ka dhagayso Waraysi lala yeeshay 

Exit mobile version