WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland oo shaacisay natiijada baadhitaan Ay ku Samaysay maydkii marxuum Cabdinaasir!

Natiijada baadhitaan cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ku sameeyey Alle ha u naxariistee Maydkii Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa waxa ay ku ogaadeen qaabka loo dilay inuu u dhacay

Dhakhaatiir iyo khuburo caalamiya oo baadhay maydka marxuumka qaabka loo dilay iyo tacadi ay maamulka somaliya ugaysteen maydka mudadii ay gacanta ku hayeen.

1;In lagu ceejiyey oo lagu dilay xadhig, kana muuqanaysay in taas keentay in oxygen la’aan taas keentay oo muddo ciijintaas lagu hayey.

2; in Daanka midig jabnaa oo dhaawac weyn kaga yaalay

3-In Xiniinyaha dhaawac kaga yaala oo mid ka mid ahi dilaacday

4- in dhaawacyo kala oo muujinaya in muddo is difaacayey oo ay ka mid tahay in Carabka iyo Ilkuhu is galeen.

5- In Maydka Marxuumka muddadii talaaga uu ku jiray, laga saaray laydhka, taas oo ka muuqatay isbeddelka Maydka oo maamulka Cisbitaal sheegeen in ay u muuqatay in ay doonayeen inuu isbeddelo Maydku si aan loo baadhin karin

Exit mobile version