WAJAALE NEWS

George Bush oo xaqiijiyay in uu u codeeyay Hillary Clinton

_98619936_b63cba62-55ef-454c-b52b-08adc11699c6Hargeisa(wjn):-Madaxwaynihii hore ee Mareykankanka ee xisbiga Jamhuuriga George Bush ayaa xaqiijiyay in uu u codeeyay musharaxii xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton doorashada madaxwaynanimada ee 2016.

Wiilkiisa, George W Bush, ayaa dhankiisa sheegay in uu ka walaacsan yahay in uu noqon doono madaxwaynihii ugu dambeeyay ee ka socda xisbiga Jamhuuriga inkastoo Trump qudhiisu yahay xisbiga Jamhuuriga.

“Ninkan ma yaqaano waxa ay ka dhigan tahay in aad madaxwayne noqoto,” ayuu yiri George W Bush,

Hadalkan ayaa qayb ka ahaa Buug cusub oo cinwaankiisu yahay Jamhuuriyiintii ugu dambeeyay.

Qaybo hordhac ah oo Buuggan ku sabsan ayaa waxaa daabacay qaar ka mid warbaahinta Mareykanka.

“Ma jecli ,wax badana kama aqaan,balse waxa aan ogahay in uu yahay nin isla wayn ,kumana faraxsani in uu noqdo hogaamiye,”ayuu yiri George Bush,oo isagu madaxwayne ka ahaa Mareykanka intii u dhaxaysay 1989 iyo 1993.

Xilligii lagu guda jiray ololihii doorashadii madaxwaynanimada Mareykanka 2016 George Bush iyo wiilkiisa George W Bush midkoodna ma taageerin Trump.

Balse buugan cusub sida lagu qoray,George Bush ayaa xaqiijiyay in uu u codeeyay Hillary Clinton.

Hasa yeeshee George W Bush,ayaa isagu sheegay in warqaddii codeynta madaxwaynanimada uusan waxba ku qoran.

 

 

Hageisa office

Wajaalenews.net

Wariye Abdiqadir Habane

Exit mobile version