WAJAALE NEWS

Sharciga Somaliland Muxuu ka Qabaa In Abwaan Cabdiraxmaan Abees Lagu Xukumo Sannad Iyo Lix Bilood?

Maxkamadda Degmada Hargeysa ayaa saaka sannad iyo lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay abwaan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees), oo shalay Hargeysa lagu xidhay.

Abwaanka ayaa shalay xabsiga loo taxaabay kadib markii uu aabihi ku eedeeyay in uu ku noqday waalid caaq, isaga oo sheegay in xukuumadu anay xadhigiisa shaqo ku lahayn lakiin uu isagu dalbaday in wiilkiisa la xidho si loo dhaqan celiyo.

Abwaanka hooyadii oo iyaduna MMTV la hadashay ayaa beenisay eedaha uu aabihii abwaanka u jeediyay, iyada oo sheegtay in xukuumadu ay ka danbayso xadhiga wiilkeeda, lakiin aabihii ay usoo dhexmartay oo la rabo in la bahdilo wiilkeeda, oo mucaarad ku ah xukunka Biixi.

Abwaanka ayaa muddo dheer mucaarad ku ahaa xukuumada Madaxweyne Biixi, waxa uuna 2 dii bishan soo bandhigay buug la magacbaxay “Mayal” oo uu ku dhaliilayo xukuumada iyo madaxweynaha

Buuggan oo soo baxay sannado kahor ayay xukuumadu xayirtay soo bandhigistiisa, iyada oo dhawaan dib loo fasaxay, isla markaana madaxda xukuumada ayaan gabi ahaanba kasoo qaybgalin bandhiga buugga, oo ay joogeen mucaaradka oo kali ah.

Hadaba, xukunkan ayaa ah mid deg deg ah, oo aan la filayn xiligan, madaama oo inta badan eedaysanayaasha ay dacwadoodu qaadato todobaado ama bilo, isla markaana baadhistu ay dheeraato.

Dastuurka Somaliland waxa uu sheegaya in qof waalid caasi lagu helo lagu xukumo xadhig aan ka badnayn 6 bilood sida uu sheegay garyaqaan Xuseen Shabeel “Haday cadaato (waalidka soo dacwooday ee boolisku sheegeen in ay Abwaan Cabdiraxmaan Abees u xidheen) waa sidan sharcigu 6 bilood,

 

hadaanay cadaana hadalkeedaba daa,.”

QORE; Garyaqaan Xuseen Shabeel

Exit mobile version