WAJAALE NEWS

Qiimaha Sharaabka SBI Oo Kor U Kacay Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Iyo Balan Qaadkii Qiimaha Hoose Ee Ay Ku Kasbadeen Kootada Dawlada Oo Meesha Ka Baxay.

HARGAYSA(Wajaalenews) Qiimaha Sharaabka Somaliland Beverage Industry SBI ayaa mudooyinkii u danbeeyay kor u kacay iyada oo suuqyada waawayn ee dalka aad looga dareemay sanadkii u danbeeyay taasi oo 500ml kadhigtay 4000 shsl halka 300ml ay gaadheen 3000 shsl.halka meelaha ka baxsan maagaalooyinka waawayn ay ka marayaan 4500 shsl 3500 shsl

Sharaabkan oo ay soosaarto shirkada sharaabka ee Somaliland beverages industry SBI  ogolaanshana kahaysta shirkada qadiimka ah ee CoCola .

Shirkadan SBI oo ku taala duleedka magaalda hargeisa  ayaa uu 2012 kii xadhiga ka jaray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Silanyo. Iyada oo kooto loogu xidhay shirkadan in ay bulsha waynta soomaliland siiso sharaabka aanay keeni karina shirkad kale taasi oo gabi ahaanba meesha ka saartay sharaab yadii ka iman jiray wadamada carabta.

Si kastaba ha ahaatee qiimaha sharaabkan  SBI ayaa maalinaba maalinta kadanbaysa kor usii kacaya taasi oo hadii ay sidaa kusii socoto keeni karta in shirkadani gaarka looga dhigay soosaarista sharaabkan ay ku fashilanto in bulshadu hesho sharaab jaban maadaama aan la hubin tayadiisa oo ay kala mid tahay uun shirkadaha kale ee ka ganacsada badeecadaha daruuriga ah.

Tusaale ahaan waxyaabaha ay shirkadani ku kasbatay kootada ayaa ahaa in ay keento sharaab jaban iyada oo soo bandhigtay xiligaa la furayay in ay keenayso sharaab jaban oo 500ml yahay 2500, 300ml  1500 taasi oo imika marka loo eego sadex jibaar ka dhigasa qiimaha imika uu taagan yahay.

Inkasta oo ay saamayn karaan qodobo badani kor u kaca qiimaha sharaabkan hadana ma muuqato waxyaabo macquulin karaa maadaama kooto ay tahay oo suuqu u xidhan yahay shirkadan SBI.

masuuliyiinta dawlada ayaa had iyo jeer ku deg dega kooto u xidhista shariikadaha ganacsiga iyada aa aanay jirin haayadihii dawlada ee la xisaabtami lahaa shirkadaha kootada loo xidho  haday noqoto quality control iyo haday noqoto jaangoynta qiimaha macquulka ah taasina ay keento dabcan in ay bulshadu kala kulmaan qiime aanay ku iibsan karin.

Lama garan karo xaalada dhabta ah ee kadanbaysa kor u kaca sharaabkan SBI  haday noqoto shirkada ama sii iibiyayaasha (whole saler or retailer)

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version