WAJAALE NEWS

Safiirka Somaliland Ufadhiya Jabuuti Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Itoobiya.

JABUUTI(W,N)-Kulan saacado qaatay ayaa maanta dhex maray Ambassadorka Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyada Djibouti.  Ambassador Berhanu Tsegaye Abera Iyo Ambsadorka Somaliland u jooga dalka Jabuuti mudane Abdifataax Siciid Axmed.

Kulankani oo ka qabsoomay safaarada Itoobiya ee dalka Jabuuti waxa casuumadeeda lahaa safiirka Itoobiya u jooga Jabuuti.

Kulankani ma jiraan wax war ah oo ay labda dhan ka soo saareen, hase ahaatee warar ay saxaafadu heshay ayaa sheegaaya in kulankaasi xooga lagu saaray xaga amniga iyo Ganacsiga, isu socodka iyo arimaha hawda.

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa ahaa mid soo jireen ah taasi oo xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa marnaba waxyeelo ahi uga iman Itoobiya sidoo kalena Somaliland ma jiraan wax dhib ah oo uga yimaada xaga Itoobiya taasi oo u baahan in mar walba la joogteeyo.

Exit mobile version