WAJAALE NEWS

“Khilaafka Jabuuti Iyo Muqdisho Ayuu Mawduucu Ahaaye Ma Waddani Edit-gareeya Saab. Tii ka Daba Tuurka Ahayd Waxay Ka Dhigeen Waraysigii…”Cali Guray.

QABQABLAYSAY QABAALKA HA JEBIN.

“Khilaafka Jabuuti iyo Muqdisho ayuu mawduucu ahaaye ma Waddani edit-gareeya Saab. Tii ka daba tuurka ahayd waxay ka dhigeen waraysigii aan ka aqbalay anigoo si sifiican u garanayay inay dan kale lahaayeen. Markii uu dhamaaday waraysigii ku saabsanaa khilaafka Jabuuti iyo Muqdisho ayay sua’aasha ah sidee u saamayn karaa Somaliland timid mana aha wax cusub inaan ka mid ahay dadka saluugsan siyaasadda arimaha dibadda xiligan ay jiraan xaalado badan oo saamayn ku yeelanaya Somaliland. Kaalintii ay gabeen kuwa xisbi mucaaridka sheegta hadana inta ay reer dabada geliyaan inay Reer kale caaridaan arin dhaafsiisan aan haynin ayaa gabay kaalintoodii mucaaridnimo markaasay ka dhex doondoonayaa cid kale oo kaalintii ay gabeen u buuxisa.

Waddani iyo Tvga Waddani waxan leeyahay;

Ama jeclaada ama Necbaada Cali gurey waa muxaafid shanta sanadood ee Muuse Biixi Madaxwaynaha yahay hadii Alleh yidhaa. Taa ku abshira oo ku biyo cabba oo ku seexda oo ku soo toosa. Hadaa jeceshihiin inu fashilmo aniguna waxan jecelahay inu guulaysto.

SAAB iyo laba Tvii oo kale ayaa mar Igu wada kulmay markaasaan iyaga mudnaanta siiyay waayo tilifoon bay igu wareeriyeen oo waxay ku cawdeen in aanan maalin keliya aqbalin codsigooda, sidaa ayaan iyaga mudnaanta ku siiyay arinkii mawduuca ahaa ee Jabuuti iyo Muqdishona dee kolay iyagu waxa laga yaabaa inay xagga Farmaajo ahaayeen kolkay arkeen halkaan kala dhacayna sua’aashii ugu dambaysay ayaa u noqtay muhiim. Cali gurey beena ma sheego waxa uu qabana cidna ugama waabto cid uu u shaqeeyo oo dirataana ma jiro.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Exit mobile version