WAJAALE NEWS

Baarlamaanka Dalka Sweden Oo Taageeray Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya, Kuna Dhawaaqay In Ay Ka Shaqaynayaan Aqoonsiga Jsl.

SWEDEN(W,N)-Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta baarlamaanka  dalka sweden islamarkaana lagu taageerayay heshiiska somaliland iyo itoobiya taasi oo ay goob ka ahaayeen safiirka somaliland ufadhiya dalka sweden iyo xubno kale oo kamid ah jaaliyada somaliland taasi oo ay kazoo qaybgaleen inka badan 60 xildhibaan oo katirsan baarlamaanka dalka sweden oo ah saaxiibada somaliland ayaa Lagu taageeray heshiiska isfaham ee somaliland iyo itoobiya.

Sidoo kale xildhibaanada katirsan baarlamaanka sweden ayaa sheegay in ay ka shaqayn doonaan sidii ay somaliland ku heli lahayd aqoonsi caalami ah kaasi oo uu hormuud ka noqon doono dalka sweden.

Dhanka kale safiirka somaliland ufadhiya sweden Amb Sakariye Xasan Wacays ayaa saaxiibada baarlamaanka sweden uga mahad celiyay taageerada ay umuujiyeen jamhuuriyada somaliland.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version