WAJAALE NEWS

“Gaadiidka Dawladda Waxa fiicnayd Inuu Sito GD1234 Iyo Midbka U gaarka ah Ee Doogada ah. Xarafka B Looma Baahna Waayo”.. Cali Guray.

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo kamida Siyaasiyiinta Xisbi xakimka kulmiye ayaa ka hadlay khaladaad ku jira waxka badalka lagu sameeyay lambarka gadiidka shacabka iyo kuwa dawlada isagoo sheegay in aan sidan loo dhigay aan loo baahnayn gaar ahaan lambarka gaadiidka dawlada.

Siyaasi Cali Guray waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay Barta uu ku Leeyahay Xidhiidhka bulshada ee facebookga Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Gaadiidka Dawladda waxa fiicnayd inu sito GD1234 iyo midbka u gaarka ah ee doogada ah. Xarafka B looma baahna waayo tiro ahaan maaha sida kuwa shicibka. Lagama yaabo in ay gaadhi karaan weligood 100000. Markaa maan fahmin waxa uu xarafka B soo kordhinayo midabka yaaba narka ugu horaysa ku filan in lagu garto inuu yahay gaadiid dawladeed.

GT waa af ingiriis mar hadii afka rasmiga ahi uu yahay soomaali looma baahna. Gaadiidka shicibka looma baahna inu dheeraado oo gaadho A100000 waxa ka fiican marka uu gaadho A10000 Xarafka la bedelo B 0001. Markaa lambarku mar kasta waa 4 digit si saxda ah oo ka waawayn sida uu hadda u qoran yahayna waa loo qori karaa oo plate-ku Wuu qaadi karaa.

Laakiin hadda sida uu u qoran yahay inta uu ka muuqan karaa ma badna. Waa aniga aragtidayda laakiin qofka madaxda ah dookhiisa ayaa mar kasta ah mudnaanta koobaad leh.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray

Exit mobile version