WAJAALE NEWS

Wafti Ka Socda Hay’addaha UNSOM, UNFP Iyo Nagaad Oo Kormeer Ku Tagay Xabsiga Magaalada Gabiley!

GABILEY(W,N)-Taliyaha Xabsiga Gobolka Gabiley G/dhexe Khaalid Sh. Xuseen ayaa kulan is Xogwaraysi iyo soo dhawayna la qaatay xubno kala duwan oo ka kala socday ,Hay’addaha UNSOM, UNFPA,Ururka Haweenka ee Nagaad iyo Waaxda Xuquuqul iinsaanka Wasaaradda Cadaaladda Jsl Kulankan ayaa Ujjeedkiisa ugu wayni uu daarnaa Xog waraysi dhanka  Maxaabiista ah Gaar ahaan haweenka ku xidhan xabsiga Gabiley.

Ugu Horryan Taliyaha Xabsiga Gabiley ayaa uga warbixiyay xubnahaa kala duwan habsami u socodka xabsi iyo Adeegyada Aasaasiga ah ee lagu soo kordhiyay xabsiga lagana hirgaliyey, isaga oo taliyuhu tibaaxay in aanu kulanki ahayn kulankii ugu horreeyay ee xubnuhu ku imaadaan xabsiga.

Dhanka kale taliyaha u mahadnaqay xubnahaas kala duwan isaga oo sigaara uga mahad celiyay Ururka Haweenka ee Nagaad  kaalinta Muga iyo miisaanka leh ee ay ka  qaataan daryeelka maxaabiista gaar ahaan hawrenka ku xidhan xabsiga Gabiley.

Ugu dambayn Taliyaha Xabsiga Gobolka Gabiley ayaa kala wareegay deeqo Agab kala duwan ah oo Ururka Haweenka Nagaad uu ugu Talo galay haweenka ku xidhan xabsiga Gabilay isaga oo Taliyuhu uga mahadnaqay dadaalka ay muujiyeen xusayna inay halkaas kasii Libin-laabaan.

Exit mobile version