WAJAALE NEWS

Xukuumadda Somaliland Oo Qisaas Ku Fulisay Lix Nin Oo Dil Loo Hayay iyo Kii Todobaad Oo Nasiibku Badbaadiyay

Waxaana Arintan Warbaahinta Uga Warbixiyey Una Cadeyey Afhayeen U Hadlay Wasaarada Cadaalada Oo Iyadu Hormuud Ka Ahyed Qisaastii Lagu Fuliyey

Mandheera(Wajaalenews) :- Xukuumada Somaliland Ayaa Saaka Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Lix Nin Oo Hore Ugu Xukunaa Dil, Halka Kii Todobaad Nasiibku Ka Bad Baadiyey

Lixdan Gacan Ku Dhiigle   Ayaa Waxaa Ay Saaka Qiisastoodu Ka Dhacdey Maagalada Mandheera Oo Dhinca Bari Kaga Beegan Caasimada Somaliland Ee Hargeysa .

Goobta Ay Ka Dhaceysay Qiisastan Lagu Fulinaayey Gacan Ku Dhiiglayaashan   Dilka Geystay Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay   Ciidamo Ka Kala Tirsan Sadexda Ciidan Qaran Ee Somaliland Oo Ay Hor Kacayaan Ciidanka Asluubtu   Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Goob Joog Ka Ahaa Goobta Uu Dilku Ka Dhacey Sarakiil Ka Socotey Wasaarada Cadaalada ,Xeer Ilaalinta Qaranka Somaliland ,Dhakhaatiir La Socoday Xaalada Caafimaad Ee Dadka Lagu Fuliyay Qisaasta

Waxaana Arintan Warbaahinta Uga Warbixiyey Una Cadeyey Afhayeen U Hadlay Wasaarada

Cadaalada Oo Iyadu Hormuud Ka Ahyed Qisaastii Lagu Fuliyey Eedesanaayshan Dilka Lagu Xukumay

 

Sidoo Waxaa Xusid Mudned In Gacan Ku Dhiiglayaashan Dilka Lagu Filanayey Ay Tiradoodu Aheyd 7 (Todobada ) Qof Balse Ninkii Tobaad Oo Ah Nin Hore Dil Uga Geystay Gobalka Gabilay Isaga Oo Tiirkii Qisaasta Ku   Xidhan Ayaa Laga Furey Tiirkii Qisaastu Ka Dhaceysay Ka Dib Markii Ay Heshiiyeen Labadii Reer Ee Dilku Dhex Maray

Lixda Qof Ee Saaka Xukuumada Somaliland Ku Filisay Dilka Toogashada Ah Ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa

  1. Askari Dhawaan Dil Toogasho Ku Diley Ganacsade La Odhan Jiray Xussen Gacmadheere .
  2. Laba Askari Oo Dil Ka Fuluyey Gobalka Awdal
  3. Nin Xaaskiisii Ku Diley Magaalada Burco Ee Gobalka Togdheer
  4. Nin   Dil Ku Geystey Degmo Hoos Timaada Gobalka Hawd
  5. Maxabuus Muddo Badan Ka Hor Qof Diley

Arintan   Ayaa Waxaa Ay Noqoneysaa Markii Ugu Horeysay Ee Dil Toogasho Oo Noocan Oo Kale Ah Ay Sameyso Xukuumada Talada Heysa.

Exit mobile version