WAJAALE NEWS

Shacabka Magaalada Wajaale Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay Ficilada Maamulaha Kastamka Iyo Baaqa Ay Udireen xukuumada!

TOG WAJAALE(W,N)-Shacabka ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ayaa maalmihii udanbeeyay siwayn uga cabanayay ficilada uu maamulaha kastamka wajaale kula kacay ganacsatada magaalada

Sidoo kale shacabka magaalada wajaale ayaa maamulka kastamka wajaale Axmed Gaaxnuug ku eedeeyay in uu caqabad ku noqday isku socodkii abada dale e Somaliland iyo itoobiya kaasi oo ay sheegeen in ganacsato badi uga qaxeen magaalada una wareegeen dhinaca itoobiya kadib markii uu kula kacay maamule axmed gaaxnuug in uu dul dhigo cashuuro aan sharci ahayn.

Dhanka kale shacabka magaalada wajaale ayaa masuuliyiinta wsaarada maaliyada iyo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne biixi ugu baaqay In ay kazoo gaadhaan maamulaha kastamka caqabad ku noqday ganacsigii magaalada iyo isku socodka labada dal taasi oo halis ku ah magaalo ganacsiyeedka tog wajaale.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://www.facebook.com/Wajaalenews1/videos/2412562645617866https://www.facebook.com/Wajaalenews1/videos/2412562645617866 

 

Exit mobile version