WAJAALE NEWS

“Haddii Saamiga Qabaliga Ah Lagu Qaybsado, Dowladnimada Maku Gaadhaynaa Horumar, Sinaan Iyo Caddaalad? Gudoomiyaha Ururka SPP.

Kacdoonada Siyaasadeed Ee Ku Salaysan beelaha Somaliland wada dagaa waxay inta badan salka ku hayaan waa saami qaybsi beeleed.

Somaliduna waxa kaliya ee waqtigu kaga lumay, dagaalada iyo burburka Somalidana sababaa waa saami qaybsigan dowladnimada ee ku dhisan nidaamka beelaha oo inta badan khilaafka siyaasiga ah ee Somalida sababa waana mid ay Somaalidu mabda’ ahaan u aaminsantahay.

Hadaba su’aashu waxay wax faa’iido caam ah oo lagu wada qanco ma laga dhaxlaa saamiyada dowladnimada ee ku salaysan nidaamka qabaliga ah,

Ma jirtaa  meel uu saamiyada qabaliga ahi ku dhamaadaan oo bulshada Somaalidu ku wada qanacdo, una ah minqiyaas lagu garto In dowladaasi buuxisay shuruudihii saamiga qabaliga ah ?

Saamiga qabaliga ahi ma u wada noqon karaa mid baahiyaha bulshada wada daboolaya mise hebelo gaar ah ayey dantoodu ku jirtaa.

Haddii Saamiga Qabaliga ah Lagu Qaybsado Dowladnimada Ma ku Gaadhaynaa Horumar, Sinaan Iyo Caddaalad?

Saami Qaybsiga Qabaliga Ahi Wax Maka Taraa Baahida Nololeed,Cadaaladeed Ee Bulshada gaar ahaan kuwa aan xilalka hayn ama shacabka danyarta ahi ?

Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan oo ku saabsan khilaafyada iyo kacdoonada beelaha ku dhisan ee siyaasiga ahiba waxay u baahan yihiin in doodo cilmiyeedyo laga yeesho oo la xaqiijiyo in danta bulshadeenu ku jirto iyo in kale waana arimo u baahan in xal waara loo helo si aanay nolosha bulshada u ragaadin?

WAXA QORAY; Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee S.P.P Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (timo)

Exit mobile version