WAJAALE NEWS

Qaar Ka Mid Ah Odayaasha Degmada Allaybaday Oo Qaylo Dhaan Ka Soo Saaray Xaalada Degmada Allaybaday,Oo Meel Xun Maraysa.

alaybadayQaar ka tirsan oday dhaqameedka iyo wax garadka Degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley oo shalay shir ku yeeshay  degmada Allaybaday ayaa sheegay in degmada Allaybaday marayso meeshii ugu darnayd,waxay dhaliilo badan u soo jeediyeen maamulka degmada,iyagoo sheegay inaan waxba laga waydiin shacabka Reer Allaybday hadba maamulka cusub ee la keenayo,waxay qaylo dhaan ka sooreen arimaha caafimaadka,waxbarashada iyo noloshii bulshada oo ay sheegeen inay meel xun marayaan.

Mahad Axmed Da’ud oo ka mid ah odayaasha degmada Allaybaday ayaa sheegay inaan magaalada la dhex socon Karin wakhti roobaadka,islamarkaana qashin badan dhex daadsan yahay magaalada dhexdeeda,waxaanu sheegay inay ka cabsi qabaan inuun xanuun ka qarxo,waxaa uu sidoo kale sheegay inaan waxba lagala tashan dad weynaha reer Allaybaday maamulada la keenayo,oo Hargeysa uun mid maqiiqan laga soo magacaabo. Oday Mahad Axmed, ayaa ku tilmaamay maayarka hada jooga degmada mid aad u nadaafad daran,waxa uu sheegay inay odayaal ahaan dhawr jeer u tageen maayar,balse aanu dheg jalaq usiin, waxaa uu sheegay in dakhliga bishan Carafo soo xerooday oo aad u badnaa uu dayac tiri karo jidadka magaalada dhex mara balse maamulka hada joogaa yahay kii ugu liitay ee soo mara degmada, islamarkaana aanu ahayn mid qorshe ka leh soo celinta bilicdii magaalada Allaybaday.

Xasan Cumar Xirsi Jaamac oo isaguna ka mid ah odayaasha nala soo xidhiidhay ayaa sheegay in Degmada Allaybaday hooy u noqotay maayaro aqoon liita,kanina yahay kii ugu liitay ee soo maray Degmada,waxaa uu sidoo kale carabaabay in Magaalada Allaybaday dhexdeeda ay ka dilaaceen godad waa weyn oo wakhti roobaadka biyuhu galaan, kuwaasi oo xanibay isku socodkii dadka iyo gaadiidka,waxaa uu sheegay inay uraan biyaha ku jira godadkaasi oo laga cabsi qabo in xanuun ka dilaaco. Oday Xasan ayaa sheegay in maamulka degmada Allaybaday qorshe la’aani haysato,waxaa uu sheegay in qofkii arkaa tacajabayo oo aad moodo in magaalada Allaybaday laga guuray marka la arko biyaha dhex ceegaaga iyo wasakhda ku gadaaman. Waxaa uu ugu baaqay xukuumada iyo cidkasta oo lexejeclo ka qabta degmada Allayabday inay usoo gurmadaan sidii looga hor tagi lahaa xanuuno ka dilaaca iyo sidii maamul aqoon leh loo keeni lahaa.

Maxamed Axmed Dude,oo odayaashan  nala soo xidhiidhay ka mid ahaa ayaa  isaguna sidoo kale ka dayriyay xaalada maamul iyo nololeed ee Degmada Allaybaday,waxaa uu sheegay in marka aad aragto gudaha Magaalada Allaybaday aanad moodin in bini-aadam galo. Waxaa uu sheegay in maayar degmada aanu soo dhaafin xafiiskiisa oo aanu arki Karin qudhanka iyo godadka kala xidhay isku socodka magaalada gudaheeda,sidoo kale waxaa uu sheegay in maayarku u dhexeeyo afiiskiisa iyo Hargeysa oo uu degan yahay. Sidoo kale oday Maxamed waxaa uu iftiimiyay in hadii la galiyo dakhliga lix maalmood u soo xeroodo degmada oo keliya ay  wax wayn ka tari lahayd qabyo tirka jidadka dhex mara magaalada gudaheeda,taasina aanay ka muuqan maayarka Degmada jooga oo aan wax qorshe ah oo uu wax kaga qabto guud ahaan degmada aanay ka muuqan.waxaa uu ugu baaqay xukuumada iyo aqoon yahanka reer Allaybaday  gudo iyo dibadba inay si deg deg ah gurmad qiimayn ah ugu soo diraan degmada gaar ahaan magaalada Allaybaday oo maraysa meeshii ugu xumayd,oo qarka u saaran in daacuun uu ka dilaaco.

Hargaysa Office
Wajaale News
Info;wajalenews@gmail.com
Repoter:Abdiqadir  Abdiraxmaan Habane

 

Exit mobile version