WAJAALE NEWS

Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Dhaarisay Hawlwadeenadii Ka Hawlgalayay Hubinta Shaqaalaha Ku Meelgaadhka Ah Ee Wasaarada Waxbarashada

HARGAYSA(W,N)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska JSL Mudane Cabdixakim Siciid Bustaale ayaa Maanta  Ka Qayb galay Munaasibad  lagu Dhaarinayay Hawl Wadeenada ka shaqaynaya  Diyaarinta iyo Tirikoobka Macalimiinta u Fadhiisan Doonta Imtixaanka .

Gudoomiyaha  Hayada Shaqaalaha dawlada  ayaa halkaa ku dhaariyay Labada kooxood ee ka  kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Hayada Shaqaalaha Dawlada.

Waxaa Sidoo kale halkaasi ka hadashay Gudoomiye  ku Xigeenka hayada shaqaalaha  dawlada oo si  faah-faahsan uga War bixisay sida ay u Qorsheeyeen  Qaadista Imtixaankan.

Ugu Dabayn Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska  ayaa u mahad celiyay Masuuliyiinta hayada shaqaalaha dawlada sida wanaagsan Ee ay hawsha u wadaan, wuxuu sidoo kale  Faray hawl-Wadeenada ka Shaqaynaya tirikoobka iyo Qaadista imtixaanaadku in ay si kalsooni leh Ku Shaqeeyaan isla markaa ay ilaaliyaan Cadaalada.

Exit mobile version