|
|||||
WAJAALE NEWS
Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Dhaarisay Hawlwadeenadii Ka Hawlgalayay Hubinta Shaqaalaha Ku Meelgaadhka Ah Ee Wasaarada Waxbarashada
September 18, 2023 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska JSL Mudane Cabdixakim Siciid Bustaale ayaa Maanta Ka Qayb galay Munaasibad lagu Dhaarinayay Hawl Wadeenada ka shaqaynaya Diyaarinta iyo Tirikoobka Macalimiinta u Fadhiisan Doonta Imtixaanka . Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha dawlada ayaa halkaa ku dhaariyay Labada kooxood ee ka kala socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Hayada Shaqaalaha Dawlada. Waxaa Sidoo kale halkaasi ka hadashay Gudoomiye ku Xigeenka hayada shaqaalaha dawlada oo si faah-faahsan uga War bixisay sida ay u Qorsheeyeen Qaadista Imtixaankan. Ugu Dabayn Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska ayaa u mahad celiyay Masuuliyiinta hayada shaqaalaha dawlada sida wanaagsan Ee ay hawsha u wadaan, wuxuu sidoo kale Faray hawl-Wadeenada ka Shaqaynaya tirikoobka iyo Qaadista imtixaanaadku in ay si kalsooni leh Ku Shaqeeyaan isla markaa ay ilaaliyaan Cadaalada. Related posts:Hargeysa: Ardaydii Iskuulada oo Saaka ku Habsaamay Wadooyinka oo Boolisku ku Hor istaageen Basas-kii... DAAWO ; Badhasabka Gobolka Awdal Iyo Maayarka Magaalada Borama Oo Maanta Soo Kormeeray Khasaarihii R... Daawo-Munaasibadda Midawga Isbedel-Doonka Somaliland Ee Samadoon Iyo Xisbiga Ucid Oo Maanta Ka Dhacd... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|