WAJAALE NEWS

“Haday Reer Gabiley Cid Utanaasulayaan, Waxay Ahayd In Ay Utanaasulaan Cabdicasiis Samaale, Oo Aynu Ognahay Tacabka Uu Gobolka Gashaday”Xil. Cabdi Cali.

GABILEY(W,N)-Xildhibaan cabdi cali xirsi oo kamid mudanayaasha golaha deegaanka gabiley ayaa ka hadlay loolanka loogu jiro gudoomkiye kuxigeenka xisbiga kulmiye iyo musharaxa gobolka gabiley ku matala ee cabdicasiis samaale oo uu sheegay in uu reer gabiley tacab badan gashaday wakhtigii uu wasiirka ahaa iyo marwalba.

Sidoo kale xildhibaan cabdi cali ayaa sheegay in uu raacsan yahay xildhibaanadii golaha deegaanka ee shalay hadlay kuwaasi oo taageero balaadhan umuujiyay siyaasi samaale.

Dhanka kale xildhibaan cabdi cali ayaa fariin udiray dadka ujawaaba afhayeenka kulmiye cabdinaasi buuni oo uu ku tilmaamay In uu yahay madiidin islamarkaana uuna midnayn in loo jawaabo amaba wax la yeelo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version