WAJAALE NEWS

Ciidanka Dab Damiska Somaliland Oo Barkad Deegaanka Garabis Ku Taala Kasoo Saaray Maydka Wiil 17jir Ah!

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Galabnimadii maanta Gurmad Badbaado ah lagu soo wargeliyay gaar ahaan Degmada Garabis oo koonfur galbeed Qiyaas 30KM ah ugu baxay Gurmadkaas oo ahaa sida dadweynuhu nagu soo wargeliyeen Wiil yar oo ku dhacay Barkad, da’adiisuna Qiyaas ahaan ahayd ilaa 17 Jir, kaasoo ku jiray muddo Barkadaas isagoo Mayd ah.

Naftood Hurayaasha Ciidanka Dab-demiska ayaa isla markiiba goobtaasi gaadhay kana soo saaray Barkada ilmahaas yar, hasayeeshee Alle Haw Naxariistee  Ilmahaas yari wuxuu ku dhintay Barkadaasi waxaana intaa ka dib la wareegay hawshaas Ciidamada dambibaadhista Ciidanka Booliska.

Ciidanka Dabdemisku waxay tacsi u dirayaan Qoyskii iyo eheladii uu ka baxay marxuumkaasi. Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo jannooyinkiisana hawgu deeqo.

Exit mobile version