WAJAALE NEWS

Madaxweynihii hore Ee Somaliland Oo Jimcaha Berri la filayo inuu Ku soo Guryo-noqdo dalka.

Hargeysa,  (Wajaalenews)- Madaxweynii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la filayaa inuu socdaal ku yimaaddo dalka Jimcaha Berri, isagoo ka soo duulli doona magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ku sugnaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyey.

Md Daahir Rayaale Kaahin oo horaantii todobaadka soo gaadhay magaalada Dubai kaddib markii uu ka ka soo duullay magaalada Paris ee dalka Faransiiksa oo uu wakhtigan deggen yahay, waxa safarkiisa ku wehelinaya Xaaskiisa Marwo Huda Barkhad, waxaana la filayaa inay ka soo degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeyga gelinka hore ee maalinta Jimcaha, sida ay Himilo u xaqiiyeen dad ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Magaalada Hargeysa, ayaa Arbacadii shalay ilaa Salaasadii doraadf si weyn looga hadal-hayay safarka madaxweyne Daahir Rayaale ku imanayo magaalada Hargeysa.

Md Daahir Rayaale Kaahin oo isaga iyo Qoyskiisu xilligan deggan yihiin waddanka Faransiiska, gaar ahaan magaalada Paris ee Caasimadda dalkaas oo ay u guureen wixii ka dambeeyey markii Xisbiga Kulmiye kaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii, ayaa socdaalkiisani noqonayaa markii saddexaad ee uu dalka yimaaddo muddo shan sanno ah oo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo talada dalka hayey.

Socdaalka Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland dib ugu soo laabanayo dalka maalinta Jimcaha ah, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dalka ka jirto xiisad siyaasadeed oo dhalatay muddo-kordhinta golaha Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo muddo-xileedkoodu ku egyahay 26 bishan June ee sannadkan.

In kasta oo Md Daahir Rayaale Kaahin aanu marna si qoto-dheer uga hadal xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo muddadkii xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay, isaguna aanu wakhtigan ka mid ahayn Axsaabta siyaasadda dalka kaddib markii uu bur-buray xisbigii uu hoggaamin jiray ee UDUB, lama garan karo inuu ka hadli doono xaaladda dalka iyo aragtidiisa la xidhiidha isbeddelka siyaasadeed iyo wax-qabad ee xukuumadda Kulmiye ku soo kordhisay dalka.

Exit mobile version