WAJAALE NEWS

Shirkada So- Somcable Oo Deeq Lacag Ah Gaadhsiiyay Markiska Umuhaatul Muminiin Ee Magaalada Gabiley.

GABILEY(W,N)-Maamulka shirkada so gasho somcable qaybteeda Gobolka  gabiley iyo madax suuqaynta ee shirkada so gasho ayaa deeq lacag ah ku wareejisay markista Umuhaatul Muuminiin ee Magaalada Gabiley oo ah markis lagu barto diinta islaamka gacanta ay ku hayaan haween.

Ugu Horayna maamulka markista umuhaatul muuminiin ayaa shirkada so gasho uga mahad celiyay deeqdan ay soo gaadhsiiyay ilaahayna ugu daro miisaanka xasanaadka.

Dhanka maamulka shirkada so ee gobolka gabiley maxamed amiin ayaa sheegay in deeqdani aanay noqon doonin ka shirkad ahaan tii ugu danbaysay ee ay ku caawiyaan balse ay hiil iyo hooba la garab joogaan markista oo uu sheegay inuu yahay mid bulshada reer gabiley anfacaya.

Madaxda suuq gaynta shirkada so mukhtaar ayaa kalmado ku saabsan deeqda ay shirkadu gadhsiisay markista ka jeediyay madasha.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version